Dhageyso:-Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku eedeeyey Wasiirka Dastuurka inuu faragalin ku hayo howshooda

Shalay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa waxa uu sheegay in hadalkii ka soo baxay guddiga doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka uu yahay mid aan waxba ka jirin kaas oo ahaa in musharaxa Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Wasiirada Soomaaliya ka tirsan in uu marka hore is casilo.

Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa waxa ay sheegeen in uu qaldan yahay Wasiirka Dastuurka ayna cambaareynayaan warkaas ka soo baxay,isla markaana uu sheegay isaga oo aan Guddiga la soo xiriiririn.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Shaacir ahna Madaxa Maaliyadda ee Guddiga oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in guddigooda uu yahay mid madax banaan Wasiirka Dastuurkana uusan faraha lasoo geli Karin Shaqadooda,waxa uuna sheegay in iyagu ay yihiin kuwo uu Baarlamaanka arrintaan uu u xil saaray.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka uusan ku jirin qodob sheegaya in Wasiir uusan isa sharixi Karin iyo in uu isa sharixi karo laakin loo baahan yahay in meel dhexe la isugu yimaado.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in hadalkii ka soo baxay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil kana mid aheyn Xildhibaannada Golaha Shacabka uusan ku yeelan doonin wax saameyn ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Shaacir ahna Madaxa Maaliyadda ee Guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media