Dhageyso:-Guddiga Aqalka sare ee loo diray Jubbaland oo sheegay in Dowladda faragelin ku heyso Maamulkaas

Weli waxaa Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ku sugan wafdigii Aqalka sare ee xal raadinta kuwaas oo soo geba gabeeyey kulamadii ay la lahaayeen Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Jubbaland.

Guddiga ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in wahadaladaas loogu soo bandhigay in dowladda federaalka Soomaaliya faragelin ku heyso Jubbaland,isla markaana dhibaato xoogan ay kala kulmayaan dowladda.

Senator Axmed Xaashi oo ka mid ah Guddiga Aqalka sare ee loo diray Kismaayo si xal looga gaaro khilaafka dowladda iyo Jubbaland ayaa sheegay in dhammaan mas’uuliyiintii iyo bulshadii ay la kulmeen ay sheegeen inay faragelin ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowladda ay ku eedeynayeen inaysan aqoon isku-soo dhawaasho balse ay taqaano sii riixis oo ay kala fogeyneyso Shacabka iyo Maamulka Jubbaland.

Waxa uu ugu baaqay dadka ku nool deegaanada Jubbaland inay ka fogaadaan in dhexdooda dhibaatooyin la kala dhex dhigo,isla markaana ay u sabraan cadaadiska uga imaanaya dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Deegaanada Dowlad goboleedyada ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Xubno kale oo Aqalka sare ka socda kuwaas oo wada xal raadinta khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada,balse guddiga Jubbaland loo diray ay qireen in dowladda faragelin ku heyso Maamulkaas.

Dhageyso Codka Senator Axmed Xaashi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor