Madaxa xukuumadda Galmudug Sheeikh Mazxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo golaha wasiiradu ku yeesheen magaalada Dhuusa-mareeb iyaga oo ka shiray arrimo muhiim ah.
Kulanka ayaa looga hadlay shirka dib u heshiisiinta iyo sidoo kale sugida amniga ergooyinka kala duwan ee ka qeyb gelaya hase’ahaatee qodobka laga dooday ayaa ahaa odayaashii tegay deegaanada Al-shabaab sida ay uga qeyb gelayaan shirka.
Goluhu waxa ay sheegeen in ay ka digayaan khatarta ka imaan karta odayaal dhaqameedkii looga yeeray Al-shabaab lana soo xambaarsiiyay fakarka Shabaab iyaga oo sheegay in Odayaashu qeyb ka noqon karaan dadka fidin kara aragtida Alshabaab oo doonaya in ay dad ku dhex yeeshaan maamulka cusub ee dhismaya.
Halkaan Ka Dhageyso Codka