Dhageyso:-Golaha Wakiilada Soomaaliland oo ka shiraya Xeerkii dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World

Kadib Go’aankii Mudanayaasha Baarlamanka federaalka Soomaaliya oo ay shirkada DP World uga mamnuuceyn dalka ayaa waxaa la filayaa in Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland ay iyana Maanta Go’aankaas ay ka hadlaaan.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nacnac) oo ka mid ah Golaha Wakiilada soomaaliland isla markaana la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in Go’aankaas uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin maantana ay shir deg deg ah isugu imaan doonaan Go’aana ay soo saari doonaan.

Waxa uu sheegay in iyagu ay yihiin kuwo waahore Soomaaliya inteeda kale ka Go’ay sidaas daraadeedna ay u madax banaan yihin in horumarkooda ay ka Shaqeeyaan.

Sikastaba xiisada ka dhalatay heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Shirkada DP World, Dowladda toobiya iyo Maamulka Soomaaliland ee dekada Berbera ayaa weli taagan balse waxaa la sugayaa Go’aanka Xubnaha Aqalka Sare iyo Saxiixa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Axmed Maxamed diiriye(Nacnac).

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media