Dhageyso:-Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo ka hadlay Xuska 1-luulyo kuna baaqay in la joojiyo dagaalka Tukaraq

Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Magalada muqisho,ayaa  waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhinacyada Siyaasada,Amniga dhaqaalaha iyo dib u heshiisiinta dalka.

Isaga oo Wareysi siinayey Radio Dalsan ayuu sheegay in munaasabada Caawa loo dabaal degayo ee ku beegan Sanadguuradii 58aad ee Midowgii iyo Xurnimadii Somaaliya ee Sanadkii 1960 ay aad uga duwan tahay xilligii ay soo bilaabatay ee 58 Sanno ka hor.

Waxa uu sheegay in Calanka Soomaaliya ee xidigta Shanta Geeslihi ay ku taallo uu tilmaamayo Shanta gobol ee Soomaaliya ee uu gumeysigii kala qeybiyey,markii laba gobol oo soomaaliya ka mid ah ay ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya ay Cadaalad darri ay hareysay dowladihii dalka soo martay.

Hayeeshee markii ay soo hartay Jamhuuriyada Soomaaliya qeyb ka mid ah ay yeelatay ilaa lix Madaxweyne oo la sii kala jarjaray,waxa uuna ku baaqay halkii laga dabaaldegi lahaa in la doono Walaalaha Gobolada Waqooyi ee horseeday in la midoobo.

Wareysiga oo aad u dheeraa ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay daagalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool oo ay isku-heystaan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland,waxa uuna ku baaqay in dagaalkaas la joojiyo,six al waara loo gaaro.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor