Dhageyso:-Galmudug oo sheegtay inay u diyaar garoowday dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Saadaq Shiiq Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyey amniga deegaanada maamulkaas,isagoo sheegay in ay jiraan qorshayaal badan oo u degsan Galmudug oo dhinaca amniga ah.

Saadaq Shiiq Yuusuf Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay in ay hayaan xogta ku saabsan dhaq-dhaqaaqyo Al-shabaab ay ka wadan deegaanada koonfureed ee maamulkaas dhowr jeerna ay ka hor tageen falal amni daro oo ay damacsanaayeen.

Isaga oo ka hadlayay qorshaha Galmudug uga degsan deegaanada ay Shababku maamulaan ayuu sheegay in la diyaariyay ciidamo gaar ah oo Al-shabaab ka saari doono dhamaan degmooyinka ay ka haystaan Maamulkaas.

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka amniga maamulka Galmudug.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media