Wasiirka Warfaafinta dowlad Goboleedka Galmudug oo Saxaafada kula hadlayay Xarunta KMG, ka ah Maamulka Galmudug ee Magaalada Cadaado ayaa hadalkaan sheegay.
Maxamuud Aadan Mesagawaay, ayaa sheegay tan iyo markii uu fashilmay inqilaabkii lagu ridi lahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf in ay jiraan xubno qaswadayaal ah oo ku gambanaya Magaca Xukuumadda xili Muqdisho looga yeeray si ay uga qeyb galaan shirka Madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
Waxa uu sheegay in Cadaado ay ku soo qul qulayaan Xildhibaano iyo dad adegsanaya lacago farabadan kuwaas oo qas ka wada deegaanada Maamulka Galmudug sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn waxa uu ugu abaqay Madaxda dalka sida Madaxweynha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale Qaramada Midoobay in laga qaado culeyska heesta si ay uga qeyb galaan shirka8 Bishaan ka furmaya Muqdisho oo uu horay u iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hoos Ka Daawo Shirka Jaraa’id ee Wasiirka Warafaafinta Galmudug.