Ciidamada amniga maamulka Galmudug ayaa howlgal ay ka sameeyeen duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ay kusoo qabteen dadkii ka dambeeyay Dil dad shacab ahaa loogu geystay duleedka Magaaladaas.
Madaxa Xukuumadda dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga gacanta ay kusoo dhigeen dadkii fuliyay Dil 4 ruux oo shacab ahaa oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed loogu geystay dhawaan deegaan ku dhow Magaalada Dhuusamareeb.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay Sheekh Shaakir in dadkaas Cadaalada la horgeyn doono,isla markaana la mar siin doono wixii sharciga Islaamka ka qabo falkii ay u geysteen dadkii shacabka ahaa,kuwaasi oo u shaqeeynayay Xarun Malabka Shinida lagu miiro oo ku taalla deegaan ku dhow Dhuusamareeb.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay Madaxa Xukuumadda dowlad Goboleedka Galmudug in uu socda howlgal baaritaano ah oo lagu soo qabanayo dadkii ka dambeeyay Xasuuqii Gaalkacyo loogu geystay 9-kii qof ee shacab ahaa,kuwaasi oo ka soo kala jeeda deegaanada maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hirshabeelle.
Dhawaan ayaa waxaa duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug lagu dilay 4 ruux oo shacab ahaa,waxaana sidoo kalena habeeno hakor 9 qof lagu xasuuqay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Hoos ka Dhageyso Sheekh Maxamed Shaakir.