Dhageyso:-Galmudug oo faah faahisay duqeyn ka dhacday Gobolka Mudug

Shalay Gelinkii dambe ayaa waxa diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen Saldhigyo dagaalmayaasha Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.

Deegaanka ay duqeynta ka dhacday deegaan lagu Magacaabo Camaleey oo u dhow deegaanka Caad ee Gobolka Muudg,waxana la sheegya in la beegsaday Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Galmudug Cabdi Kariin Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in deegaanka la duqeeyay uu yahay goob dhawaan ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo dad Xoolo Dhaqato ah.

Waxa uu sheegay in khasaaraha rasmiga ah ee duqeyntaas ka dhalatay aan la cadeyn Karin,isla markaana Al-Shabaab aysan ogoleen in Saldhigyadooda ay kusoo dhawaadaan dadka Shacabka ah.

Weli majirto cid sheegatay mas’uuliyada duqeyntaas,hayeeshee inta badan waxaa Gobolada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya duqeymo ka fuliya Diyaarado dagaal uu leeyahay Mareykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor