Dhageyso:-Galmudug oo beenisay Warka soo baxay Janaraal Galaal

Magaalada Cadaado ee Xarunta KMg,ka ah ee Mamulka Galmudug waxaa shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Wasiirka Warfaafinta dowalad Goboleedka Galmudug Maxamuud Cismaan Masagawa,isaga oo beeniyay war ka soo baxay Janaraal Maxamed Nuur Galaa.
Janaraal Galaal oo Maanta wareysi gaar ah siiyay Radio Dalsan Xaruntiisa Muqdisho ayaa sheegay in wadahadalo u socday madaxda Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ay ka soo baxeen qodobo xal u noqonkara dhibaatooyin ka jira deegaanada Galmudug.

Wasiirka waxa uu sheegay in warkaas uu sheegay Janaraalka ee ah in uu u xilsaaran yahay wadahadalo u dhaxeya Galmudug iyo Ahlusuna iyo waliba heshiis hordhac ah oo la gaaray uu yahay mid been abuur ah..

Sidoo kale Wasiirka ayaa soo hadal qaaday dagaalada ka socda deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media