Dhageyso:-Galmudug iyo Hir-Shabeelle oo Ciidamo kala dhex dhigay Maleeshiyaad ku dagaalamay Hiiraan

Deegaanka Banyaaleey ee Gobolka hiiraan ayaa dhowr mar waxa ku wada dagaalamay laba maleeshiyo beeleed,dagaalkaas oo egystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waan waan ayaa dhowr mar la iskudayay in lagu xaliyo balse ay suurtageli weysay balse ugu dambeyn ay suurtagashay in masuuliyiin ka kala socday Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ay Ciidamo kala dhex dhigaan kadib shir ka dhacay degmada Matabaan.

Janaraal Mascuud Maxamed Warsame oo hoggaaminayey Ciidamo Milateri ah oo ka yimid deegaanada Galmudug ayaa shegay in ujeedkooda uu yahay in ay nabad kala d hex dhigaan naleeshiayadkaas,isla markaana ay gacanta ku dhigaan kuwa dhibaatada wada.

Waxa uu sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in Shacabka dushooda lagu dagaalamo iyada oo la huwan yahay magac Qabiil.

Dhinaca kale Sarkaal u hadlay dhanka Hir-Shabeelle ayaa isna sheegay in dhankooda ay ku dadaali doonaan in ay ka hor tagaan cidkasta oo lidi ku ah heshiiskaas,isla markana ay u aqoonsan doonaan Al-Shabaab.

Sikastaba maalma kahor ayaa degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxaa lagu soo gaba gabeeyey shir lagu heshiisiinaayey labadaasi beeleed,waxana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socotay hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Saraakiisha labada dhinac.

1840788552889165

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor