Dhageyso:-Gaari lagu rasaaseeyay gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay

 

Gaarigaan oo ay saarnaayeen dad Shacab ah ayaa kusii jeeday Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.,waxaana la sheegay inay rasaaseeyeen maleeshiyaad hubeysan oo isbaarooyin dhigtay.

Gaariga ayaa xilliga la rasaaseynayay waxa uu marayay duleedka deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud sida ay sheegeen dad ka mid ahaa Rakaabka saaran Gaarigaas.

Rasaaseynta Gaarigaas ayaa waxaa  ku geeriyootay Gabar yar,waxaana la sheegay in uu jiro khasaaro kale oo rasaastaas ka dhashay.

Guddoomiye ku xigeenka Deegaanka Godinlabe Cabdisalaan Aaxmed Mire ayaa u sheegay Radio Dalsan in Gaariga lagu rasaaseeyay koontoroolka dhinaca deegaanka Mareergur ka xiga deegaanka Godinlabe,isla markaana maleeshiyaadkii rasaaseeyay ay aadeen dhinaca Magalada Cadaado.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan uu Magalada Cadaale kasoo diray Wariyaheena Jile Jaamaca Jile.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor