Dhageyso:-Gaadiidka Xamuulka oo Wadooyinka Muqdisho oo la yareynaayo

Kulan ay isugu yimaadeen Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda,taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo hoggaanka sare ee maareeyaha Dekadda ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha la xiriira Gaadiidka xamuulka oo mashquul xooggan ku hayo isticmaalka Wadooyinka caasimadda.

Mas’uuliyiinta kulanka u dhaxeeyay ayaa saacado badan ka dooday in gaadiidka Xamuulka uusan maalintii ka howlgeli Karin wadooyinka magaalada Muqdisho,islamarkaana ay shaqeyn karaan keliya habeenkii si ay u fududaato isticmaalka wadooyinka gaadiidka iyo Bulshada Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) ayaa Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya iyo taliska Booliska Soomaaliyeed uga mahad celiyay sida ay uga go’an tahay in xal waara laga gaaro mashquulka ka jira wadooyinka magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay iney go’aan ku gaareen in la yareeyo saxmadda gaadiidka ee wadooyinka Muqdisho,islamarkaana la adkeeyay in Dekadda Muqdisho xilliyada habeenkii oo hadda ay shaqeyso in la xoojiyo,islamarkaana gaadiidka xamuulka habeenkii ay shaqeeyaan si ay u yaraato mashquulka wadooyinka caasimadda Muqdisho.

 

 Hoos ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Duqa Muqdisho.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media