Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng, Feysal Cali Waraabe ayaa cadeeyay halka dowlada Soomaaliya kas oo gashay heshiiskii dekada Magalada Berbera taas oo saameyn weyn ku yeelatay Siyaasada dalka Soomaaliya.
Eg,Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in hehsiiskii dekada magalada Berbera uu ahaa mid wax badan soo jiitamayey,isla markaana si Isfahan ah uu ku dhexmaray Madaxweynayashii hore ee Soomaaliya iyo Soomaaliland ee Xaan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) Waxa uu sheegay in isagu uu goobjoog ka ahaa heshiiskaas kaas oo ahaa mid soconayey mudo 9 Bilood ah,sial markaana dhankooda uu u saxiixay Wasiirkii Arrimaha Dibada Soomaaliland.
Hadalka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng, Feysal Cali Waraabe ayaa meesha ka saaraya beenintii Maamulka Soomaaliland ee ahaa in heshiiskii dekada Berbera ay qeyb ka aheyd dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii warkaasi uu ka soo baxay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng, Feysal Cali Waraabe.