Dhageyso:-Faah faahin dad Shacab ah oo Maanta lagu laayay Gobolka Shabeellaha Hoose

Madaxa Arrimaha Bulshada deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose  Muqtaar Nuur Geeysay ayaa faah faahin ka bixiyay dad shacab ahaa oo Maanta lagu laayay deegaankaasi.

Waxa uu sheegay in Nuur Geeysay dadka la laayay ay ahaayeen Shacab oo howlo Nadaafadeed ka sameenayay wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan dhinaca deegaanka Lafoole.

Madaxa Arrimaha Bulshada deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose  oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in dadka la dilay ay tirro ahaa gaarayan ilaa iyo 9 ruux oo u badnaa Haweeyn,kuwaasi oo xiliga falkan uu dhacayay ku guda jiray shaqo ay halkaasi ka wadeen.

Sidoo waxa uu tilmaamay Geeysay in dadkaasi kooxo hubeysan ay u yimideen,isla markaana rasaas xooan ay ku fureen,iyagoona goobta ku geeriyooday.

Dadka kunool Deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose  ayaa aad u hadal haaya dhacdadan Maanta lagu dilay dad shacab ahaa oo howlo nadaafadeed ka sameeynayay wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan dhinaca Lafoole.

Hoos ka Dhageyso Codka Muqtaar Nuur Geeysay

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media