Duqii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa iska fogeeyey in uu bixiyay dhulka Biyaaso liibaro ee degmada Xamar Jajab Kadib markii laba habeen ka hor War ka soo baxay Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir lagu sheegay in uu dhulkaasi bixiyay.
Yuusuf xuseen Jimcaale oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Warqadii uu horay ugu fasaxay shirkada ECCO ay ku saabsaneyd mid shirkadaas oo Gobolka kala Shaqeyneysay dhanka nadaafada ay halkaasi Qashinka ku keydsadaan kadibna laga sii qaado.
Waxa uu sheegay in uusan shirkadaas siinin dhulka,isla markaana Warqadii la soo xigtay 30-kii January 2018 Â ee Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab ay ka dambeysay tii uu isaga soo saaray.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Dhulkan la bixiyay Bishaan Gudaheeda loona baahnaa in miiska la soo saaro warqadii maamulkiisa ka dambeysay ee dhulkaasi lagu bixiyay laakin la soo qaatay warqadii uu shirkada ugu fasaxay in ay qashinka dhigtaan kadibna kasii qaataan.
Dhulka Biyaaso liibaro ee degmada Xamar Jajab ayaa maalmahaan muran ka taagnaa cida bixisay,iyada oo uu dhaliyay Guux Siyaasadeed , waxaana xusid mudan in la sheegay in waxyaabihii uu xilkiisa ku waayay ay ka mid aheyd Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.
Hoos Ka Dhageyso Codka Yuusuf xuseen Jimcaale.