Dhageyso:-Duqa Muqdisho iyo Danjiraha Turkiga oo deeq u qaybiyay dadka qaba Baahiyaha gaarka ah+Sawirro

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Safiirka Dawladda Turkiga Danjire Olgan Bekar ayaa deeq isugu jirta kuraas, biraha lagu socdo iyo ulaha indhoolayaasha u qeybiyey qaar kamid ah bulshada qabta baahiyaha gaarka ah.

Deeqdan oo ay soo dhiibtay hay’adda IgEL oo ah hay’ad ay leeyihiin muwaadiniin Turkish ah oo ku nool dalka Switzerland ayaa waxaa ka faaiideystay 130 ruux.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahadceliyey Shacabka iyo Dawladda Turkiga gacanta walaaltinimo ee mar walba ay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed. Isagoo xusay in deeqdani ay wax badan tarayso dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Dawladda Turkiga iyo Shacabkeedaba sida ay xili walba u garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan gacan siinta bulshada nugul ee maanta ka faaiideysanaya deeqdan”.

Danjiraha Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Bekar ayaa sheegay in dawladdiisa ay ka go’an tahay taageerada Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay sii wadi doonaan deeqaha ay gaarsiinayaan qeybaha bulshada kuwooda nugul.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor