Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socda Hay’addaha gaar gaarka ayaa maanta kulan deg deg ah waxa ay ka yeelanayaan dhibaatooyinka waqtigaan ka jira Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Xogheyaha Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya Maxamed Cumar Macalin ayaa sheegay in dadka gudaha dalka ku barakacay ay aad u farabadan yihiin,kuwaas oo ka kala yimid deegaannada Jubbland iyo Hir-Shabeelle,
Sidoo kale waxa uu sheegay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay maanta isugu imaanayaan Madaxda Hay’addaha ka howlgalla dalka si caawin deg deg ah loola gaaro dadka ay dhibaatada ku heysato Magalada Baladweyne.
Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa badi dadkii ku nool ay ka barakaceyn,iyada oo gudaha Magalada ay biyo buux dhaafiyeen,waxana Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu dalbaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka uu saameeyey fatahaada Wabiga Shabeelle.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xogheyaha Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya Maxamed Cumar Macalin.