Mas’uuliyiin ka socotay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Guddoomiye Xasan Cali nuur Shuute ayaa wax ay kulan la qaateen Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Baraawe iyo saraakiisha ciidamada.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa xalinta muran dhinaca maamulka ah oo ka jiray degmada Baraawe taas oo keentay inay soo farageliso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Maxamed Nuur(Sandheere) ayaa sheegay in goob fagaaraha ay xilalkii u kala wareejiyeen guddoomiye ku xigeenada degmada oo uu markii hore khilaafka uu ka bilaawday.
Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Cabdullaahi Buule kameey ayaa sheegay inay diyaariyeen qoraalo ay kala saxiixanayaan labada masuul,isla markaana ay u gudbin donaan dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxa uu uga digay inay ka baxaan heshiiskaas,waxana uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono cidii markale la timaado khilaaf kale.
Qaar ka mid ah Waxgaradka degmada Baraawe oo kulanka Goobjoog ka ahaa ayaa waxa ay aad u soo dhaweeyeen tallaabadaan lagu dhex dehxaadiyey guddoomiye ku xigeenadii degmadaas.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in waxyabaha cajiibka ah ee degmada ku arkeen ay ka mid aheyd in dadku ay leeyihiin in qof aan Magalada joogin uu qaska wado,waxana taasi uu sheegay inay u baahan tahay in jawaab laga bixiyo.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Mas’uuliyiinta.