HomeMaqalDhageyso:-Dowladda Somalia oo ka hadashay Dilalkii ka dhacay Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo

Dhageyso:-Dowladda Somalia oo ka hadashay Dilalkii ka dhacay Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay falkii foosha xumaa ee xalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,kaasi oo lagu 9 ruux oos shacab ahaa. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Goordhow dadka ka hadlay Telefashinka Qaranka  ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federalka ay aad uga xun tahay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay falkii foosha xumaa ee xalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,kaasi oo lagu 9 ruux oos shacab ahaa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Goordhow dadka ka hadlay Telefashinka Qaranka  ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federalka ay aad uga xun tahay falkii lagu dilay 9-kii qof,kuwaasi oo dhammaantood ahaa Muwaadiinin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

- Advertisement -

Dhacdadii lagu xasuuqay dadkaas ayaa waxaa uu ku tilmaamay inay tahay mid dadka Soomaaliyeed kala geyneyso,isla markaana waxaa uu sheegay in arrintaas aysan ku banaaneyn sharciga Islaamka iyo Bani’aadamka intaba.

Isaga sii hadlaayay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayuu balan qaaday in dowladda Federaalka oo kaashaneysa hay’adaha amniga heer federal iyo mid dowlad Goboleed,Waxgaradka,Odayaashaka dhanka Culimadda inay dhacdadaas ku sameeyn doonaan baaritaano lixaad leh,isla markaana dadkii ka dambeeyay arrintaasi tallaabo sharciga waafaqsan lagu qaadi doono,cadaalana la horkeeni doono.

Sidoo kale waxaa uu tacsi u diray dhammaan Ehaldii iyo qaraabadii ay ka baxeen 9-kii qof ee xalay lagu dilay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,kuwaasi oo dhammaantood ka soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye 4-tii ruux ee dhawaan lagu dilay duleedka Magaalada Dhuusamreeb,kuwaasi oo iyagan ka soo jeeday deegaanada Koonfur Galbeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts