Dhageyso:-Dowladda oo u digtay Maraakiibta sharcidarada uga kaluumeysta xeebaha Somalia

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay Maraakiibta qaar ee sida sharcidarada ah uga kalluumeysta Xeebaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Bilaal Warsame ayaa digniin u diray Maraakiibta shisheeye ee sida sharcidarada ah uga kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in cid walba oo dooneysa Shatiyada la xiriira kalluumeysiga lasiin doono,hayeeshee aan laga aqbali doonin kuwa sida sharcidarada ah u kalluumeysanaya.

“Cid walba oo soo dalbata siinta shatiyada kalluuleysiga,waxana baari doonaa markabkiisa iyo waxa uu ku kalluumeysanayo,waxaana nagala shaqeyn doono dad badan oo naga caawinaya ayuu yiri wasiirka.

Digniintaan ayaa kusoo aadeysa xilli shalay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya ay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha siisay 32 ruqsadood shati Kalluumeysi ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Kalluumeysiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor