Dhageyso:-Dowladda oo la wareegtay Qalabkii yaallay Xafiiskii Maamulka Hawada Somalia ee Nairobi+Sawirro

Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad safaraada Soomaaliya ee dalkaas ku leedahay ay kula wareegtay Qalabkii u dambeeyay ee laga maamuli jiray hawada Soomaaliya.

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar),siihaya safaraada Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh(Bagadi) iyo saraakiil ka tirsan laanta duulista iyo Hawada Kenya.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in dhammaan qalabkii yaalay Xarunta laga maamuli jiray Hawada Soomaaliya lagu wareejiyay safaarada Soomaliya ee Kenya maadaama ay tahay hanti Qaran si loo geeyo Magalada Muqdisho oo hadda laga maamul hawada Soomaaliya.

Siihaya safaraada Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh(Bagadi) aha qunsulka guud ee Safaarada ayaa dhinaciisa sheegay in qalabkas ay a wareegeen,isla markaana loogu Shaqeyn doono Qaranka Soomaaliya,sidoo kalena albaabada la isugu dhuftay Xaruntii hore ee dalka Kenya.

Hawada Soomaaliya ayaa haatan waxaa laga maamulaa Magalada Muqdisho,iyada oo tan iyo burburkii dalka laga maamuli jiray Magalada Na’irobi ee dalka Kenya.

Hoos Ka Dhageyso Codadka labada Masuul kana Daawo Sawirrada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor