Dhageyso:-Dowladda oo bilaabeysa dagaal ka dhan ah dadka ku Shaqeesta Dukumiintiyada been abuurka ah

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan bilaabeysa qorsho ay kula dagaalameyso Dadka isticmaala Dukumiintiyada Sharcidaraha ah ee ku nool gudaha gobolkan Banaadir in kastoo ay jiraan Gobolada qaar oo laga isticmaalo Dukumiintiyadaas  been abuurka ah.

Kulan looga hadlayay arimaha ku aadan qorshaha ay u dejisay la dagaalanka dadka ku shaqeesta dukumiintiyada been abuurka ah ayaa masuuliyiintii ka hadlay waxaa kamid ahaa xeer ilaalayaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada amniga Soomaaliya iyo Cabdinaasir Siciid Muuse waxa ayna Dhmaantood sheegeen in cid kasta oo lagu arkaa iyadoo isticmaaleysa Dukumiintiyadaas ay dowladda Soomaaliya talaaba ka qaadi doonto.

Si kastaba dowladdii dalka soo maray ayaa dhowr mar ku dadaalay in ay wax ka qabtaan Goobaha lagu sameeyo Dukumiintiyada Sharcidarada ah taas oo looga Faa’iideysanayay dowlad la’aanta ka jirta soomaliya balse dowladahaas aysan ku guuleeysan.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media