Dhageyso:-Dowladda Ingiriiska oo si kulul uga Hadashay Khilaafka u dhaxeeya Dowlada Iyo Dowlad goboleedyada

Weli waxaa taagan khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboledyada,waxaana muuqata inaysan jirin wadahadal lagu doonayo in xal looga gaaro.

Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika, Harriet Baldwin oo booqasho ku timid Soomaaliya ayaa waxa ay si kulul uga hadashay Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowlada Iyo Dowlad goboleedyada.

Wareysi ay siiyay Warbaahinta Dalsan ayaa wax aay ku sheegtay in Saddex Boqol oo Sano kahor ay dhexdooda uu ka jira khilaaf,isal markaana ay dooneyso inay la qeybsato khibrada ay u leedahaay marka loo eego dalkeeda iyo sida loo xaliyay.

Waxa ay ku talisay in wax walba iyo tabashooyinka la kala qabo ay muhiim tahay in miiska wadahadalka la isugu yimaado lagana wada hadlo ayay tiri Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika, Harriet Baldwin.

Waxaa xoogeysanaya walaaca laga qabo khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika oo ay turjumeyso Wariye Farxiyo Muraad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor