Shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiislaha ahaa ayuu ka mid ahaa qodobadii uu ku soo bandhigay Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo mudo dhowr Cisho ah ku maqnaa.
Warbixino kala duwan ayaa looga dhagestay Wasiirka kulankaas,waxana sidoo kale uu sheegay in dowladda India ay kala hadleen isaga iyo wafdigii la socday Maxaabiista Soomaaliyeed ee dalkaas ku xiran in dalkooda loo soo celiyo kuwaas oo gaaraya ilaa 118 Maxbuus.
Wasiirka Warafafinta Soomaliya Eng,Cabdirxmaan cumar Cismaan Yariisow oo Warbaahinta u akriyay qodobadii ka soo baxay kulankaas,aya sheegay in dowladda India ay dhawaan Xafiis Cusub ka furan doonto Gudaha Muqdisho,si dadka Soomaaliyeed ugu fududaato helida Visaha dowladda India.
Hoos K Dhageyso Codka Wasiirka Warafafinta