DHAGEYSO: Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Gudi u’xilsaaraya Muranka Wabiga Shabeelle

Wasiirka ariimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Hailemariam ay ku yeesheen magaalada Addis Abaaba ee caasimada dalka Itoobiya, waxaana uu sheegay inay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal iyo arrinta wabiga Shabeelle oo uu muran ka jiro.

Dowladaha soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isla meel dhigay in guddi labada dhinac ah loo xilsaaro arrinta wabiga , si wax looga qabto muranka ka taagan wabiga Shabeelle.

Sidookale labada masuul ayaa ka hadlay arrimaha waxbarashada oo uu ra’isul wasaaraha Itoobiya ballan qaaday in 500 oo arday ah uu siiyano waxbarasho balaash ah.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media