Dhageyso:-Dowladaha Somalia iyo Sacuudiga oo Go’aan ka gaaraya Muranka Xajka

Dowladaha Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa waxa ay xilligaan wadaan sidii xal looga gari lahaa khilaafka ka dhashay Arrimaha Xajka oo waqtigeeda la joogo.

Dad badan ayaa dhaliil la muujiyey habka loo marey Arrimaha Xajka,iyada oo Siyaasiyiinta qaarkood ay sheegeen in la siyaasadeeyey Arrimihii Xajka ee Sanadkaan.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Maxamed Kheyrow Aadan oo Dalsan la hadlay ayaa sheegay in Wasaaradu ay ku mashquulsan tahay xalinta arrimhaas si loo dhameeyo.

Waxa uu sheegay in Kusimaha Wasiirka Awqafta iyo Arrimaha Diinta ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradaas uu ku maqan yahay dalka Sacuudiga,isla markaana la rajeynayo in isla Maanta ay Go’aano soo wada saaraan si ay  u bilaawdaan dulimaadyada Xajka.

Muranka Arrimaha Xajka ee Sanadkaan ayaa waxa uu sababay in xilkii laga qaado wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Maareeyihii Duulista Hawada.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor