Faah faahino dheeraad ah ayaa kas oo baxaya dilka Caawa kooxo hubeysan ay degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir ugu geysteen Nin la sheegay in uu ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay kazoo horjeedka Isbitaalka Kulmiye ee degmada Boondheere,waxna Maamulka degmada ay inoo xaqiijiyeen in ninkaasi uu ka mid ahaa Ciidamada Booliiska Soomaaliya.,isla markaana Magaciisa lagu soo gaabiyey Cali.
Guddoomiyaha degmada Boondheere Seynab Yuusuf Wehliye ayaa Dalsan u shegtay in Askariga uu ka tirsanaa Saldhigga Galbeed e degmada Dharkeenley balse maalmaahan uu nasasho uu kula joogay Walaashiis oo deganeyd.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in Askariga uu qabay dhaawac hore,isla markaana fasaxa uu ku soo aaday Guriga Walaashiis ugu dambeyna Caawa la toogtay isaga oo guriga hortiisa fadhiya.
Wararkii u dambeeyey ee nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in ay socdaan howlgallo baaritaano ah,isla markaana guddoomiyaha ay sheegtay in waxyaabihii ka soo baxa ay soo gudbin doonaan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.