Dhageyso:-DFS oo soo bandhigtay waqtiga la soo daabacayo lacagta Shillinka Soomaaliga

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey qorshihii ugu dambeeyey ee ku aadan soo daabicista lacagta Shillinka Soomaaliga oo dowladda Federaalka ay horay u shaacisay.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in shuruudii ay la galeyn Bankiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta ay ka soo gudbeen taas oo u sahli karta in ay lacag Cusub soo daabacaan.

Waxa uu sheegay Wasiir beyle in weli loo baahan yahay lacagtii lagu soo daabici lahaa maadaama dowladda Soomaaliya lacag farabadan oo deyn ah lagu leeyahay,waxa uuna sheegay in Sanadkaan gudihiisa ay lacagta Cusub ee Shillinka Soomaaliga ah lasoo daabici doono.

Hadalkan ayaa Wasiirka Maaliyadda waxa uu sheegay ka dib kulan uu Magalada Brussles kula qaatay Mas’uuliyiin ka kala socotay Bamkiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta,kas oo ahaa mid ay uga wad hadleen qorsha DFS ay lacagaha Cuusb kusoo daabaceyso.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor