Dhawaan ayaa la qorsheeyay in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM inay ka baxaan deegaano ka tirsan Mamulka Hir-Shabeelle sigaar ah ciidamada Burundi.
Deegaanada ay ka baxayaan Ciidamadaas ayaa waxa ay ka tirsan yihiin Gobolka Shabeellaha dhexe,sida uu sheegay Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle.
Wasiirka ayaa deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ka baxayaan Ciidamada AMISOM ku sheegay degmooyinka Cadale, Raage Ceelle iyo Xaaji Cali oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.
Ciidamada Burundi oo ka tirsan AMISOm 1,000 askari oo ka mid ah ciidamadooda ayaa la qorsheeyay inay dhawaan ka baxaan deegaanada Hir-Shabeelle,wallow madaxda Hir-Shabeelle walaac ka muujiyeen.
Wariyaha Raadiyaha iyo Tv-ga Dalsan Maxamed Yaasin Mahdi(Alfa) oo ku sugan Jowhar yaan ka wareysanay.