Dhageyso:-Dabkii ka kacay Muqdisho oo la demiyay & Maamulka Gobolka oo ka hadlay

Dabka ayaa ka kacay  Goobo Ganacsi oo ku yaalla inta  u dhaxeysa Isgoysyada Soobe iyo Banaadir ee Magalada Muqdisho gaar ahaan Goob lagu iibiyo Shidaalka,waxaana ka dhashay khasaaro hantiyaeed.

Dabka oo uurada iyo qiiqa ka baxayay laga arkay degmooyin badan oo ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa ku faafay Xarumo ay ka mid yihiin Xarun lagu xanaaneeyo Carruurta  oo lagu Magacaabo Ileys iyo Goobo Ganacsi oo kale.

Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha degmada Hodan  C/kariin dhega-juun ayaa gaaray goobta,waxaana uu sheegay in dabka saacado kadib la demiyay.

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Goobta uu dabka ka kacay ayaa wax auu sheegay in dabka uu ka dhashay korontoi,isla markaana uu baabi’iyay in ka badan 7 Qol oo Goobo Ganacsi ahaa,hayeeshee uusan geysan wax khasaaro nafeed ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha degmada Hodan .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor