HomeMaqalDhageyso:-Dabkii ka kacay Guriceel oo la demiyay iyo maamulka Degmada oo ka...

Dhageyso:-Dabkii ka kacay Guriceel oo la demiyay iyo maamulka Degmada oo ka hadlay

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Dabka ayaa saakay waabarigii hore waxa uu ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah iyo mid hantiyadeed.

Dabkaan ayaa marka hore ka bilowday Kaalin Shidaal oo ay leedahay Shirkad lagu magacaabo Beder oo kamid ah Shirkadaha ku yaall Guriceel,waxaana uu kusii fiday goobo Ganacsi oo horleh.

Guddoomiyaha Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cabdullaahi Beentaa oo wareysi dheer siiyay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa u sheegay in dabkaas uu geystay khasaaro farabadan,isla markaana uu socday dhowr saacadood,.

Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiye Beentaa in deminta dabka ay ka qeyb qaateen maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Guriceel,isagoona xusay in daminta dabkaas loo adeegsaday qaabab kala duwan,hayeeshee ugu dambeyntii lagu  guuleystay in la demiyo.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud aysan laheyn wax Gaari damb-demis ah , taas oo keentay in uu sii fido,iyadoona Fuustooyinka Shidaal uu ku jiray ay qarxayeen.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cabdullaahi Beentaa ayaa waxaa uu sheegay in dabka uu ka dhashay Koronto,isla markaana baabi’iyay gabe ahaanba Shirkaddii Beder ee Guriceel.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Degmada Guriceel.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories