Dhageyso:-Ciidamo la kala dhex dhigay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gobolka Galgaduud

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaal beeledyo ay ka dhacayeen deegano ka tirsan gobolka Galgaduud,waxana Gelinkii dambe ee Maanta la kala dhex-dhigay Ciidamo ka tirsan kuwa  Dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa u sheegay Radio Dalsna in maleeshiyaadkii dagaalamay la kala dhex-dhigay Ciidamo si dagaalka uusan u sii socon.

Taliyaha Guutada 52–aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal. Qeybta 27aad JanaraalAxmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) ayaa sheegay in iyaga oo fulinaya Amarka Madaxweynaha iyo taliyaha xooga ay Ciidamo geeyeen goobihii maleeshiyaadka ku dagaalameen ee deegaanka Kaxan-dhaale.

Wax auu sheegay in xilligaan xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana uusan jirin wax dagaal ah oo labada dhinac halkaasi ku dhexmaraya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maalinta berito ah ay geyn doonaan Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya,sidoo kalena uu rajeynayo inay bilaawdaan wadahadallo lagu heshiisiinayo beelaha dagaalamay.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor