Dhageyso:-Ciidamo ka tirsan Militeriga Somalia oo shaaciyay inay Difaacyada ka soo bixi doonaan

Qaar kamid ah Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Difaaca uga jira Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay ka soo bixi doonaan halkaasi,kadib markii ay soo wajahday Mushaar la’aan.

Ciidamada oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Muddo 5-sano ah ay joogeen Degmada Baraawe aysan helin xuquuqda Mushaaraadkooda iyo raashinkii ay u baahnaayeen,isla markaana ay la kulmeen dhibaatooyin badan.

Sidoo kale Ciidamada ayaa tilmaamay in 4-tii Bilood ee la soo dhaafay aysan qaadan wax Mushaar ah iyo raashin inta badan,iyagoona xusay in aysan difaacyada kusii jiri karin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayay ugu baaqeen in muddo saddex maalin ah ay kaga soo jawaabaan Codsigooda,hayeeshee hadii kale ay dib ugu laaban doonaan goobihii Marka horey ay ka yimideen.

Cabashadaan ka soo yeertay qaar kamid ah Ciidamada Militeriga Soomaaliya eek u sugan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadeysa,iyadoo dhawaan Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay Mushaar la’aan uga soo baxeen deegaano dhowr oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana dowladda ay sheegtay inay ku howlan yihiin Diiwaangelinta Ciidamada.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Qaar kamid ah Ciidamada Cabanaya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media