Ciidamadaan ayaa Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxa uu sheegay in ay ahaayeen kuwo dilal ka geystay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose Maxkamada Ciidamada qalabka sida ay ku guuleysatay in laoso xiro.
Waxa uu sheegay in todobaadkii la soo dhaafay Ciidamada Amaanka ay Shabeellaha Hoose kasoo xireen 6 Akari dad rayid ah dil u geystay,kuwaas oo qaarkood la Maxkadeeyay.
Waxa uu Ciidamada uga digay inay ku dul dagaalamaan dadka Shacabka ah dhexdooda,waxaan uu sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in Ciidamada uu ku dhex jiro qof Gacan ku dhiigle ah oo dil geystay.
Hadalkaan kasoo baxay Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa kusoo aadaya xilli mararka qaarkood Ciidamada Dowladda ay sibareer ah u dileen dadka Shacabka ah.