Dhageyso:-Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland oo howlgal ka fuliyay Jubadda Hoose

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Danab qaybta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay howlgalo ka dhan ahaa dagaalamayaasha ay ka sameeyeen deegaano dhanka Waqooyiga ka xiga Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa intii uu socday Ciidamada waxaa ay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo ku yaalla Waqooyiga Gobolka Jubbada Hoose,halkaasi oo markii hore ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Saraakiisha Hogaaminaysay howlgalka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka ay ku burburiyeen Saldhig Al-shabaab ay ku layaaeen deegaano dhanka Waqooyi ka xigan Jubbada Hoose.

Taliyaha Ururka 2-aad ee Daraawiishta Jubbaland Gaashaanle Mooraal ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada ku sugan Aaga Baar-sanguuni ay ka howlgal ka sameeyeen deegaano howd ah oo ku yaalla Jubbada Hoose,isla markaana ay dagaal culus ay la galeen Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Gaashaanle Mooraal in dagalkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhawaac oo soo kala gaaray labada dhinac, isagoona guulo ka sheegtay dagaalkii ay la galeen dhanka Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka Gaashaanle Mooraal

Comments
Loading...