Dhageyso:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo Jawaab ka bixinaya dadkii lagu laayay deegaanka Gandershe

Maleeshiyaad hubeysan ayaa ilaa Saddex ruux ku dishay deegaanka Gandershe ee Gobolka Shabeellaha Hoose halka 5 kale ay ku dhaawaceen kadib markii ay rasaas ku fureen goob ay dadkasi ku sugnaayeen.

Hadaba Warar soo baxayay ayaa waxa ay sheegayeen in dadkaas loo dilay sababo la xiriira aanooyin qabiil balse Warkaas War ka duwan waxaa Caawa Shaaciyay taliska Meleteriga Gobolka Shabellaha Hoose.

Afhayeenka Ciidamada Meleteriga Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ciise Maxamuud ayaa sheegay in falkaas ay ka dambeeyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab,islamarkaana y u dileen sababo la xiriira Qaadka ama Jaadka oo ay Al-Shabaab diideen balse ay dadkaas isticmaalayeen.

Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaas ku daray in ay dhawaan Jawaab Cad ka bixin doonaan falkaas lagu dilay Saddexda Qof 5 kalena lagu dhaawacay.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Afhayeenka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media