Dhageyso:-Ciidamada Soomaaliland oo qabtay Gaadiid siday waxyaabaha Maanka-Dooriya

Ciidamada Maamulka Soomaaliland ee gobolka sanaag ayaa deegaanka lagu Magacaabo Ceel-Afweyn ee gobolkaas waxa ay ka soo qabteyn Maandooriyaha loo yaqaano Khamriga.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada ayaa u suurtagashay in ay qabtaan Khamrigaas oo saarnaa Gaari loo yaqaano Saruf,waxa uuna gaarayay ilaa 279 Dhalo sida uu sheegay Ciidamada Birmadka Gobolka Sanaag.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Gaariga markii la’arkay ay ciidamadu eryadeen balse markii dambe uu ku dhacay God,sidaasina ay ku baxsadeen raggii watay ee ka Ganacsanayay.

Waxa uu sheegay in ay la dagaalami doonaan kuwa ka Ganacsanaya Maandooriyaha Khamriga oo uu sheegay in ay dhibaatada amnidarro ee ka dhaca Gobolka Sanaag mararka qaar masuul ka yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada Birmadka Gobolka Sanaag.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media