Dhageyso:-Ciidamada Puntland oo Galbeedka Gaalkacyo ku toogtay Qof Shacab ah

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Qof Shacab ah oo la sheegay in Madaxa looga jiray lagu dilay halkaas.

Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Maxaed Nuur Cali Gadaar oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Ninkaasi uu caan ka ahaa Gaalkacyo isla markaana uu xanuunsanaa oo Madaxa looga jiray.

Waxa uu sheegay in falkaan ay ka dambeeyaan ciidamada Puntland oo sibareer ah u toogtay Ninkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Weli wax War ah oo dhankooda kama soo bixin Maamulka Puntland ee lagu eedeeyay in ciidamadooda ay qof Shacab ah ku dileen Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media