Ciidamada Nabad-Sugida Dowlad goboleedka Galmudug ayaa howlgallo isbaaro qaadis ah waxa ay ka sameeyeen Wadada xiriirisa deegaanada Godinlabe iyo Galinsoor ee Gobolka Galgaduud,kadib cabasho ka timid Shacabka.
Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa dhacay dagaal kooban oo dhexmaray Ciidamada Nabad-Sugida Galmudug ee howlgalka waday iyo maleeshiyaad isbaarooyin dhigtay waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho ah.
Taliyaha Cidamada Nabad-Sugida Galmudug Cali Cilmi Ilkcase ayaa Warbaahinta u sheegay in ay ku guuleysteen in Wadada xiriirisa Godinlabe iyo Galinsoor ay isbaarooyinka ka qaadaan,isla markaana ay dileen laba ka tirsan maleeshiyadii isbaarada dhigtay.
Tiro dhowr jeer ayaa sidan oo kale Ciidamada Nabad-Sugida Galmudug waxa ay sameeyeen howlgal isbaaro qaadis ah,waxana taasi ay ka dambeysay kaidb cabasho ka timid darawalada Gaadiidka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida Galmudug.