Dhageyso:-Ciidamada Dowladda oo dad u qab qabtay qarixii Ismiidaaminta ahaa ee degmada Afgooye

Taliska Booliska degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaah Hoose ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen howlgal ay sameeyeen kaas oo ay sheegeen in lagu soo qabtay rag lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen qarixii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay degmadaas.

Qaraxaas oo ahaa Gaari NOH oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa,isla markaana lagu weeraray kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya xilli ay marayeen agagaarka Koontoroolka Xaafada Baar Ismaaciil.

Taliyaha Saldhiga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Cismaan Mursal ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Gudaha Afgooye iyo daafaheeda ay u suurtagashay in ay gacanta kusoo dhigaan 4 Ruux oo lagu tuhmayo in ay qaraxaasi ka dambeeyaan.

Waxa uu sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in waxyaabo lidi ku ah amniga marnaba laga sameeyo Afgooye iyo deegaanada hoos yimaada.

Sikastaba qarixii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ay ku dileyn 12 askari halka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ay sheegteen in hal askari uu ku dhaawacmay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Saldhiga degmada Afgooye.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media