Dhageyso:-Cali Maxamed Geedi oo ku baaqay in shuruud la’aan la xaliyo khilaafka Dowladda & Dowlad Goboleedyada

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG ah aheyd xillii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ka codsaday in si shuruud la’aan ah ay ku xaliyaan khilaafkood.

Cali Maxamed Geedi ayaa dhawaan tegay Magalada Kismaayo,iyada oo Madaxweynaha Jubbaland iyo mas’uuliyiinta kale ee Maamulkaas uu kala hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka dowladda iyo Maamulka Jubbaland soo kala dhex galay.

Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in tabashada ay qabaan Reer Jubaland uu dib ugu celin doono Madaxda Dowladda,isaga oo u Shaqeysanaya sida,Guddiga xalinta khilaafka ee Aqalka Sare iyo mas’uuliyiinta kale ee loo xil saaray.

Si kastaba ahaatee waxaa weli taagan khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,waxaana socda qorsho lagu xalinaayo khilaafkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cali Maxamed Geedi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor