Dhageyso:-Cali Jeyte Cismaan oo sheegay in Malaayiin Dollar ay lunsadeen Madaxda Hir-Shabeelle

Guddoomiyihii xilka laga qaaday maalma kahor ee Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku eedeyey madaxda Maamulka Hir-Shabeelle in ay lunsadeen lacago Malaayiin Dollar ah.

Cali jeyte Cismaan ayaa sheegay in aan wax xila ah laga qaadin balse lagala tegay dhibaatootin,waxa uuna ku adkeystay in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee rasmiga ah uu imaan doono,isla markaana uu xilka ku wareejin doono.

Shalay ayaa waxaa BAladweyne lagu qabtay munaasabad uu xilka kula wareegay guddoomiyaha Cusub ee Maamulka gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxda Maamulka Hir-Shabelle ay lunsadeen lacag dhan 1,475,000 (Hal Milyan Afar Boqol todobaatan iyo Shan Kun) oo dollar oo akoonka ku jirtay,isla markaana Madaxda Hir-Shabeelle aysan cadeyn mashaariicdii lacagtaas lagu fuliyey.

Arrintaan ayaa abuureysa khilaaf hor leh oo ka dhexjira Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle,waxana dhawaan Shaqa joojin lagu sameeyey Duqii degmada Baladweyne Cali dhuux Cabdi Mahadale,balse shir jaraa’id uu qabtay ku qaadacay xilka qaadistaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cali jeyte Cismaan Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media