Dhageyso:-Cabduweli Gaas,oo Garoowe kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish

Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland oo maanta furay Kalfadhigii 39aad ee Barlamaanka Maamulka  Puntland ayaa ka hadaly qodobo dhowr ah oo uu ka mid yahay dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.

Madaxweyne Gaas,ayaa sheegay in Puntlnad ay u diyaar garoowday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacishta deegaanadooda qeybo ka mid ah ku sugan.

Waxa uu sheegay in dhamaan la diyaariyay ciidamadii qaadi lahaa howlgalkaas islamarkaana Shacabka puntland looga baahan yahay in ay ciidamadooda taageera siiyaan sii looga adkaado wax uu ugu yeeray Cadaw.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media