Dhageyso:-Cabdiraxmaan Tanyanle oo ka hadlay doorashadii looga guuleestay

Shalay oo Sabti aheyd ayaa la soo gaba gabeeyay Araaji qabashada xubnihii u taagnaa qabashada xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland kadib iscasilaadii Cabdiraxmaan Cirro Gudoomiyii Golaha Wakiilada Soomaliland,waxaana isasoo sharaxay ilaa laba musharax oo kala ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle iyo Bashe Maxamed faarax.

Maanta oo Axad ah ayaa  laguda galay doorashada Gudoomiyaha Golaha wakiilada Soomliland waxaana inta aysan bilaaban codeynta ku dhawaaqay in uu Xilkii gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada iska Casilay Baashe Maxamed Faarax si uu ugu tartamo xilka Gudoomiyaha.

Intaas kadib waxa la guda galay in cod Gacan taag ah ay Xildhibaanadu ugu codeeyaan Musharixiinta doorashada ka qeyb galeysa,waxaana Gudoomiyaha Golaha Wakiilada sooamaliland ku guuleestay  Baashe Maxamed Faarax,sida uu ku dhawaaqay Dr Cali Yuusuf Axmed oo ah  Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Maxamed  Tanyanle oo aha Musharixii laga guuleestay ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan natiijadii ka soo bxday doorashdii uu kula tartamay Baashe Maxamed Faarax.

ugu dambeyn Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland ee Maanta Dr Cali Yuusf Axmed  ayaa  shaaca ka qaaday  in 7 Cisho kadib in la dooran doono booskii uu baneeyey Baashe Maxamed Faarax ee Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Soomaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media