Barnaamijka dooda Dalsan oo ah Barnaamij todobaadle ah ayaa waxan ku soo qadanaa hadba mowduuca todobaadkaas ugu xiisaha badan ee dalka ka taagan.
Barnaamijka todobaadkan waxan uga hadleynaa doorashadii guddoomiyaha Golaha Shacabka ee uu ku guuleystay Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan xilkaas oo uu iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Todobaadkaan waxaa Barnaamijka ka qeybgalaya Ceydaruus Maxamed Cabdi Khaliif Iidir Cismaan iyo Maxamed Cali Xuseen  oo labadaba ah falanqeeyayaal  dhanka Siyaasada.
Hoos Ka Dhageyso Barnaamijka oo uu soo jeedin doono Wariye Axmed Xuseen Cadoow.