Dhageyso:-Banaanbax ka dhan ah Shirka Dhuusamareeb oo ka dhacay Cadaado

Iyada ooDuhurnimadii Arbacada Maanta uu Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmay shirka dhmeystirka heshiiskii ay horay u wadagaareen Maamulka Galmuudg iyo hlusunna Wal-jamaca ayaa hadana waxaa soo baxaya dad shirkas dhaliilaya.

Magaalada Cadaado  ayaa waxaa Maanta ka dhacay  banaanbax looga horjeedo heshiiska Ahlusunna iyo Galmudug ee ka socda Dhuusamareeb.

Dadweynaha magaalada qaarkood ayaa isugu soo baxay wadooyinka iyagoo ka horjeeda heshiiska,waxa ayna ku dhawaqaayeen shirkii Jabuuti doonimeyno in Galmudug l burburiyo doonimeyno iyo Erayo kale.

Banaan baxayaasha qaarkood ayaa u muuqday kuwa diidan in Madaxtooyada Maamulka Galmudug loo raro Magaalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug.

Banaanbaxaan ayaa imaanaya xili Dhuusamareeb uu sirasmi ah uga furmay shirka ay diidan yihin,waxana Maalma ka hor Madaxweyne Farmaajo uu kulan la qaatay waxgaradka Cadaado ee diidan shirkas kaas oo aan lagu guuleysan in tabashadooda la xaliyo..

Hoos Ka Dhageyso Codadka Banaanbaxayaasha.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media