Dhageyso:- Baaq laga soo saaray amniga Puntland

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga ee maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo shir jiraa’iid ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira amniga deeganada maamulkaas iyo baaq ku socday shacabka.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Puntland ay u dabaal degeyso 21-sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaskeeda waxaana uu faray in ciidamada amaanku ay ka feejignaadaan inta uu socdo dabaal dego in ay dhacaan falal amniga ka soo hor jeeda.

Shinaca kalana waxa uu baaq u diray shacabka isaga oo ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan amniga,isaga o intaas ku sii daray in Puntland ay tahay maamul waqti dheer dhisan.

Halkaan Ka Dhageyso Codka 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media