Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa uu jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeeray Wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya,kaasi oo ku aadanaa in xisaabcelin laga rabo madaxda dowlad goboleedyada dalka.
Waxa uu sheegay in ay aad u fiicnaan laheyd in dowladda ay wax bixiso islamarkaana xisaabtanto,isagoo tilmaamay in baraha bushada ay ku arkeen warqad Wasaaradda Maaliyadda ka socotay.
Isagoo oo khudbad ka jeedinayey xiritaanka Shirkii Golaha iskaashiga dowlad Goboleedyada ee lagu soo gabe gabeeyay Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah Jubbaland ayuu hadalkan sheegay.
“Waxaan inagu rabnaa si rasmi ah in ay baraha bulshada inoogu soo gudbiso wixii ay nasiisay dowlada, inana xisaabcelin waxaan ka sameyn doonnaa baraha bulshada,†ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Sidoo kale waxa uu Axmed Madoobe sheegay in hadalkaas uu tuhun ka dhex abuuri karo madaxda Maamul goboleedyada dalka iyo shacabka ay mas’uuliyiinta ka yihiin.