Dhageyso:-Askari dilay qof Shacab ah oo xukun lagu riday

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa Xukun dil toogasho ah waxa ay ka riday askari ka tirsana ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xukunka Dilka toogashada ah ayaa Maxkamadu waxa ay ku riday Laba xidigle Siyaad Askar Faarax oo ka mid ahaa Ciidamada Jubbaland kaas oo ka mid ahaa 5 Askari oo loo heystay dil loo geystay  Jamaal Axmed Suuriye oo ka mid ahaa Shacabka Magalada Dhoobleey.

Falka dilka ah ayaa waxa uu dhacay 24-kii Bishii la soo dhaafay ee Agoosto,waxana loo heystay Shan Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Jubbaland kuwaas oo kala ah.

Laba xidigle Siyaad Askar Faarax, Maxamed Salaad Cabdi, Cabdifitaax Cabdullaahi Ismaaciil, Cabdi Xasan Cali iyo Khaliif Muuse Coloow,waxaana Maxkamada Ciidamada Jubbaland ay sheegtay in Ciidamada loogu diray Degmada dhoobley howlo amni xaqiijin ah.

Garsooraha koowaad ee Maxkamada Ciidamada Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in baaritaano la sameeyey kadib la ogaaday in dilka Marxuum Jamaal Axmed Suuriyo uu ka dambeeyey Laba xidigle Siyaad Askar Faarax oo ahaa taliyaha Ciidamada hoggaaminayey,isla markaana lagu friday xukun dil ah.

Goobta xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa waxaa ku sugnaa Maamulka degmada Dhoobleey ee Jubbaland iyo Odayaasha Dhaqanka degmada iyo ehelada labada dhinac.

Hoos Ka Dhageyso Codka Garsooraha koowaad ee Maxkamada Ciidamada Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor